Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka ay kaabiga ku haaya deegaanka Booco, oo dagaalaamayasha Al-Sahabaab gaacnta ku hayaan, waxaana degaankaasi uu qiyaastii 50KM Koonfurta akaga beegan yahay Beledweyne.
Hogalkaan la dooanyo in lagula wareego degaankaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee CXD Generaal Tawane Axmed Maxamed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Howlgalka oo ah mid Culus ay qayb ka yihiin Diyaradaha dagaalka oo aay leeyihiin saaxiibada dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.
Ciidamada xoogga dalka qeybaha guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada 8-aad ee Gorgor iyo ciidanka kumaandooska Danab oo aay bar-bar socdaan ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa fulinta howlgalka iska kaashanaya.
Dagaalamaayasha AL-Sahabab ayaa dhwaan lagala wareegay degaanno badan oo ka tirsan Gobolkaasi, waxaana ka mid ah degaaanada dhawaan ka baxay gacantooda Beerxaanno Tarashante Nuur-fanax Ceela-hele Burdaar iyo kuwa kale.