Wararka ka imaanaya degaanno ka tirsaan Gobolka Shabbellaha hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka socdo Howgallo ay wadaan Ciidanka Dowladda, kana dhan ah dagaalamayaasha Alshabaab.
Howlgal kaa oo aahaa mid qorshaysan ayaa sida wararku ay tilmaamayaan haatan ka socda duleedka deegaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Sida lagu sheegay warar lagu baahiyay Warbaahinta dowladda waxaa Howlgalkaan lagu beegsanayaa Xaruumaha dagaalamayaasha Alshabaab, kuwaas oo si qarsoodi ah isugu aruursanayay beer ku taala deegaankaas, waa sida lagu sheegay warar laagu daabahay warbaahinta Dowladda Soomaaliya.
Hawlgalka oo ah mid culus ayaa waxaa iska kaaashanaya oo si Wadajir ah u fulinaya Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.