Ciidamada Xoogga dalka iyo deegaanka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa ΓΒ la wareegay deegaanno cusub oo horay ay u joogeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ee Xoogga Dalka ayaa howlgallo lagu guuleytay ka fulisay deegaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa Al-Shabaab laga saaray sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Dowladda.
Howgalka inta uu socday ayay ciidanka ku qarxiyeen miinooyin ay Alshabaab ku aaseen waddooyin ka baxa degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada hoos yimaado.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanaka ayaa sheegay inay Burburiyeen Difaacyaddii Al-Shabaab ee degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,waxayna kaabiga u saran yihiin deegaanka Masagawaa, iyaga oo haatan ku sugan deegaanka Mareey suuleey, sida uu sheegay Taliyaha Xoogagga Deegaanka Gaashaanle sare Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallim Nuur.