Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa gacanta kusoo dhigay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu qabtay duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga gacanta lagu dhigay ay saarnaayeen laba ruux oo la socday, isla markaana xogta gaariga ay ka heleen dadka deegaanka, sidaasina ugu suura-gashay qabashadiisa.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada ayaa tilmaamay inay baaritaano kala duwan ku wadaan xubnaha gacanta lagu dhigay oo loo maleynayo inay ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoona Saraakiisha xusay in qaraxyada la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka.
“Qaraxyada waxay isugu jiraan kuwa baabuurta lagu dhejiyo iyo jaakadaha ka sameysan qaraxyada, Ciidamada oo ka feejigan dhagaraha iyo shirqoolada ay maleygayaan.†ayuu yiri Sarkaalka ka tirsan Milatariga Soomaaliya.
Ciidanka Kummaandooska DANAB ayaa maalmo kahor sidaan oo kale gacanta ugu dhigay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ah oo Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka sheegeen in lagu dhibaateeyn rabay shacabka, balse laga hortegay.