Ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa koonfurta gobolka Mudug ku qabtay koox dhinaca maaliyadda u qaabilsaneed Al-Shabaab.
Howlgalka lagu qabtay kooxdaan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Xinlabi iyo Baraag-ciise ee koonfurta gobolka Mudug.
Raggaan oo gaaraya shan xubnood ayaa lagu qabtay raashin ay Saraakiisha Dowladdu sheegeen in ay ka dhaceen shacabka iyo gaari ay wateen.