Wararka aan ka heleyno deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay halkaas ay dib ula wareegeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo markii hore laga qabsaday.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21-aad ayaa sheegaya in howlgalka qorsheysan ay ku galeen deegaanka Bacaadweyne ee Mudug oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadibna u suura gashay inay qabsadaan.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa tilmaamay in dagaal kooban ay la galeen Al-shabaab oo heystay deegaanka oo halkaas isaga baxay, ayna la wareegeen gacan ku heyntiisa.
Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in gudaha Bacaadweyne iyo duleedkiisa ay ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga, welina si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay howlgalka iyo ka dhacay halkaas.
Al-shabaab ayaa horey Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug dagaal ugala wareegay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, iyagoona halkaas muddo heystay, hayeeshee la sheegay in laga qabsaday.
Si kastaba Al-shabaab ayaa horey ula wareegay degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo in muddo ah ay heystaan, waxaana dhowr jeer dhacay weeraro ay ku qaadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidanka qeybta 21-aad, iyadoona weerarkii ugu dambeeyay ku qaaday degaanka Wisil.