Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, oo kaashanaya xoogagga dowladda, ayaa weerar ballaaran ku qaaday xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd duleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa bartilmaameedsaday goobo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku sugnaayeen, taasoo keentay in ciidamada deegaanka ay halkaasi ku guuleystaan in ay burburiyaan fariisimo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen.
Dagaalkan ayaa sababay in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay isaga baxaan goobaha ay ku sugnaayeen, taasoo keentay in ciidamada deegaanka ay gacanta ku dhigaan goobo cusub. Fariisimihii Al-Shabaab ee la weeraray ayaa la sheegay in ay ahaayeen meelaha ay kasoo abaabuli jireen weeraro ka dhan ah dadka deegaanka iyo ciidanka dowladda.
Wararka ayaa tilmaamaya in xaaladda aagga degmada Halgan ay weli kacsan tahay, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo halkaas. Waxaa muuqata in ciidamada Macawiisleyda iyo kuwa dowladda ay wadaan abaabul ciidan oo xooggan si ay uga hortagaan halista Al-Shabaab ee ka jirta gobolka Hiiraan. Gobolka Hiiraan wuxuu noqday goob ay ka socdaan dagaallo joogto ah tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanno badan oo horay uga tirsanaa gacanta kooxda.
Muddooyinkii ugu dambeeyay, gobolka Hiiraan ayaa noqday goob muhim ah oo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu ka socdo, gaar ahaan marka la eego halganka ay horkacayaan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo si weyn uga qayb qaadanaya dagaalka kooxda ka dhanka ah.