Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka dhacay, kaasoo u dhexeeya Ciidanka difaaca Puntland iyo kooxaha Daacish.
Dagaalkan ayaa noqday mid aad u qaraar, iyadoo wararka qaar ay xaqiijinayaan in uu jiro khasaare badan oo dhimashada iyo dhaawaca ah.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Daacish ay weerar xooggan ku qaadeen fariisimo ay Puntland ku leeyihiin gobolka Bari. Sida la sheegay, dagaalamayaasha Daacish ayaa isticmaalay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa si ay u bilaabaan weerarka.
Khasaare culus ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray kooxaha Daacish ee weerarka qaaday, iyadoo in ka badan 10 ka tirsan dagaalamayaasha Daacish—oo u badan ajaaniib—la soo bandhigay maydadkooda.
Sawirro laga qaaday maydadkaasi ayaa muujinaya in ay jiraan dagaalyahano ka soo jeeda Carabta iyo Afrika, kuwaas oo lagu sheegay inay ka yimaadeen meelo kala duwan.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay buuraha Calmiskaat iyo CaalBari, halkaas oo Daacish ay si joogto ah ugu dhuumaalaysanayaan. Gulufka ciidan ee ka dhanka ah Daacish ayaa si toos ah uga bilowday deegaanadaas, iyadoo la sheegay in la xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Inkastoo uu jiro warbixinno faahfaahsan oo sheegaya khasaare xooggan oo ka dhacay dagaalkan, saraakiisha Puntland weli wax war ah kama soo saarin xaaladda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la tilmaamayaa in kooxda weerarka qaaday ay wajahday khasaare weyn.