Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 14-aad, guutada 14-October ee ku sugan Magaalada Marka ayaa howlga qorsheysan ka fuliyay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamada guutada 14-Octoober ayaa howlgalkaan ku soo qabtay Nin ay sheegeen inuu ahaa Madaxa qaraxyada dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku qaabilsan Marka, kaasi oo lagu magacaabo Aweys Mayow Eelaay.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka, xiligii lasoo qabanayay uu ku howlanaa aasitaanka miino uu doonayay in dhibaato lagu gaarsiiyo shacabka, waa sida ay hadalka u dhigeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka 14-Octoober oo la hadlay warbaahinta.
Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay oo inta uu socday howlgalka gacanta lagu soo dhigay qaraxyo isugu jira Bamba gacmeedyo iyo Miinooyin uu hoygiisa ku farsameynayay Aweys Mayow Eelaay oo soo qabteen Ciidamada dowladda Federaalka.
Taliyaha ururka 14-aad, Guutada 14-Octoober Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka laga fuliyay Magaalada Marka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu soo qabtay Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada.
Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca qaraxyo miino iyo falal kale oo amni darro, waxaana Magaaladaas ku sugan Ciidamada Guutada 14-Octoober ee dowladda Federaalka Soomaaliya.