Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya daraawiishta Jubbaland ayaa aalintii sedexaad howgallo qorsheysan waxaa ay ka wadaan qaybo ka mid ah gobolka jubbada hoose.
Ciidanka kumaandooska Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ka siw adajir ah u fuliyay, waxaana uu dhacay tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaano kale.
Intii uu howgalku socday ayaa waxaa Ciidanku ay la kulmeen dagaallo kaga yimid Dagaalamaayasha AL-Shabaab, waxaana Saraakiisha Howgalkaasi ay sheegeen inay dagaaladiid hacay ku dileen xubno ka tirsan AL-Shabaab, halka qaar kale nolosha ku qabteen, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Sidoo kale Saraakiisha Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa intaas ku daray in xubnaha ay howgalkaasi ay ku dileen ay ka koobnaayeen Soomaali iyo ajaanim, kuwaasi oo qaarkood ay qabteen ayna shaaciyeen magacyadooda iyo sawiradooda.
Xubnaha la sheegay in la dilay waxaa ka mid ah Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya, Saadiq iyo dagaalame qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha howgalkaasi fuliyay.
.