Jubbada Hoose – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubaland ayaa si guul leh u fuliyay howlgal ballaaran oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ba’an ku hayay shacabka deegaanka.
Howlgalkan, oo si taxadar leh loo qorsheeyay, ayaa laga fuliyay waqooyiga gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo la burburiyay xarumo muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay gabaad, qorsheynta weerarada, iyo xarumo lacago baad ah looga qaadi jiray dadka shacabka ah.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalkan ayaa sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaano istiraatiiji ah oo kooxda Al-Shabaab muddo dheer ka talinaysay.
Meelaha la beegsaday ayaa la sheegay inay ahaayeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda, kuwaas oo lagu qorsheyn jiray weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah.
Dagaalka oo socday saacado badan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab, halka kuwa kalena ay baxsadeen. Sidoo kale, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay saanado hub ah iyo agab kale oo ay isticmaalayeen kooxda, waa sida ay Saraakiishu sheegeene.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa wada dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in si buuxda Al-Shabaab looga saaro gobolka Jubbada Hoose.
Hawlgalka ay fuliyeen ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubaland ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu xoreynayo gobollada ay wali ku sugan yihiin Al-Shabaab.