Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo socday saacado dhowr ah waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha ay kooban tahay degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir.
Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay baaritaano ugu sameeynayeen guri guri ee xaafaddaha Dharkeenley, iyadoo la arkayay Ciidamada oo baarayay dharka iyo alaabta taalla guryaha ay galeen.
Sidoo kale Ciidanka ayaa baarayay goobo Ganacsi iyo gaadiidka noocyadiisa ee isticmaalayay wadddooyin laamiga, isla markaana su’aalo la xiriira dhinaca weydinayay dadka saaran gaadiidka si gaar ah dhalinyarada.
Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay dad looga shakiyay falal amni darro, hub iyo gaadiid aan laheyn taariko, kuwaasi oo ay Ciidamada geeyeen Saldhig Boolis, si dadka qabtay hubin dheeraad ah loogu sameeyo.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee degmada Dharkeenleey Cabdullaahi Shaarkeey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka ka fuliyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga degmadaas oo mararka qaarkood falal amni darro ka dhacaan.
Guddoomiye Cabdullaahi Shaarkey ayaa tilmaamay in sidoo kale Ciidanka ammaanka ayaa baadi goobayeen dhalinyaro Ciyaal weero ah oo ay cabasho kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, kuwaasi oo dadka dhibaato ku haaya.
Habeeno kahor ayey markii Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayey ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir, oo maalmihii dambe kusoo bateen falal amni darro.