Howlgalo ballaaran oo ay fuliyeen Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari.
Sida ay ilo-wareedyo amni xaqiijiyeen, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan toddobo qof, kuwaas oo ay ku jiraan xubno muddo laga baadi-goobayay, iyadoo la sheegay in la hayay xogtooda kahor inta aan la qaban.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Boosaaso.
“Ciidamada ammaanku waxay xalay ka fuliyeen magaalada Boosaaso hawlgal qorsheysan, waxaana lagu soo qabtay ugu yaraan toddobo qof oo ay ku jiraan xubno hore loogu raadjoogay oo xogtooda la hayay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Puntland.
Dadka la qabtay ayaa la filayaa in baaritaan lagu sameeyo si loo caddeeyo heerka ay uga tirsan yihiin falalka amni-darro ee lagu tuhunsan yahay. Ciidamada ammaanku waxay horey u balanqaadeen in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Puntland.