Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile ayaa maanta soo xiray eedeysane Cadaawe Cabdi Cali(Cadaawe Jiib) oo ku eedeysan falal lid ku ah sharciga dalka.
Eedeysanaha oo ah askari katirsan Ciidanka xoogga ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo arrimmo kale oo salka ku haya ama ku lug leh kicin bulsho.
Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile oo ka hadlay xarigga ninkaasi ayaa shegay in eedeysanahaasi horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada.
Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa maalmahan soo bandhigayay dhallinyaro badan iyo dad kale oo ku eedeysan inay baraha Bulshada ka wadeen kicin dadweyne iyo anshax xumo.