Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow soo afjaray weerarkii xalay dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Warbaahinta Dalsan u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay soo afjaraan dagaalkii tooska ay xalay ila saaka ka dhex socday gudaha hotelka, ciidanka ayaa toogasho ku dilay dhammaan xubnihii weerarka soo qaaday.
Xaalada ayaa hadda degan ka dib dagaal iyo qaraxyo 12 saacadood ka socday gudaha hotelka, waxaana baaritaano lagu hubinayo amniga hotelka ka wada Ciidamada Dowlada.
Xildhibaano iyo masuuliyiin dowladeed ayaa laga soo badbaadiyey gudaha Hotelka illaa xalay, qaar kale waxaa la geeyey goobaha caafimaadka iyagoo dhaawacyo kala duwan qaba, iyadoo kuwo kale oo hotelkaas ku jirayna aan weli la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.
Afhayeenka Xukuumada Farxaan Jimcale, taliyaha ciidanka Haramcad Cabdixamiid Fanax, weriye Xassan Cadde iyo masuuliyiin kale ayaa la xaqiijiyey iney soo gaareen dhaawacyo kala duwan.