Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida dowladda Federaalka ayaa habeenimadii xalay aheyd gudaha degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir fal isugu jiray dil iyo dhaawac ah ugu geystay rag dhac u geysanayay dad shacab ah oo ku sugnaa degmadaasi.
Ciidanka ammaanka dowladda ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah burcad dad shacab ah dhac u gestay, halka mid kalana dhaawaceen, waxaa sidoo kale baxsaday kooxo kale oo iyana dhac ka geestay degmooyin kale.
Burcad hubeysan ayaa la tilmaamay in xilliyada habeenkii ah ay kusoo bateen xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolkaan Banaadir, kuwaasi oo dadka ka qaadanaya moobeelada gacanta iyo waxyaabaha kale oo xilligaas ay dadka sitaan,
Burcada hubeysan oo bilihii lasoo dhaafay laga nabad galay kaddib markii la qabtay qaar badan oo kamid ah ayaa mar kale magaalada dib ugu soo laabtay, waxaana loo aaneenayaa burcada oo intooda badan marka la xiro kaddib si fudud loo soo daayo.