Buqa-Caleed, Bari – Ciidanka ammaanka ee maamulka Puntland ayaa howlgallo ballaaran ka wada degaanno ay shalay la wareegeen, kadib dagaal culus oo ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Bari.
Howlgallada ayaa diiradda lagu saarayaa xaqiijinta ammaanka iyo baacsiga kooxaha Daacish oo halkaasi ku sugnaa kahor inta aysan ka bixin. Saraakiisha ammaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno miino, si loo sugo badqabka degaanka iyo ka hortagga khataraha uga imaan kara waxyaabaha qarxa ee la dhigi karo goobihii ay horey ugu sugnaayeen kooxdaasi.
Degmada Buqa-Caleed, oo shalay laga saaray Daacish, ayaa maanta martigelinaysa howlgallo kala duwan, waxaana ciidanku horay ugu qabteen gaadiid iyo guryo ay faarujiyeen dagaalyahannada Daacish.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale shalay soo bandhigay laba gaari oo laga helay xarumo ay Daacish isticmaali jireen, kuwaas oo ay kooxdaasi gubeen kahor inta aysan goobahaasi ka cararin.
Wararku waxay sheegayaan in howlgalka Puntland uu kusii fidayo degaanno hor leh oo ku yaalla Buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan Daacish.
Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxaana ay sheegeen inay ka go’an tahay ciribtirka khatarta ay kooxahaasi ku hayaan gobolka.
Howlgallada ay Puntland ka waddo gobolka Bari ayaa ah kuwo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagula dagaallamayo waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo saraakiisha ammaanka ay xuseen in la qorsheynayo wejiyo kale oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida degaannada ay ciidamadu la wareegeen.