Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay hawlgallo qorsheysan ka fuliyeen Magaaaladaasi.
Ciidamada amaanka gaar ahaan Booliiska iyo Nabadsugida ayaa sameeyay howlgalka, waxaana saraakiisha hoekacaysay Ciidanka ay sheegeen in qorshaha guud ee howlgalka uu ahaa xaqiijinta Ammaanka magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa la arkayay Ciidanka oo xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi ka wada howlgallo qorsheysan, kuwaasi oo ammaanka lagu xaqiijinayo.
Saraakiisha ammaanka ma aysan sheegin dad lagu soo qabtay howgalka, balse dadka degaanka ayaa sheegaya in baaritaanno culus ay sameeyeen Ciidanku, kuwaasi oo laga yaabo in ay shaqsiyad kusoo qabteen, inkastoo aan la shaacin cid gacanta lagu soo dhigay.
U jeedka Howgalka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay in dhawaan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud uu socdaal ku tagi doono Madaxweynaha la doortay Xasan Sheikh Maxamuud.