Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo ku sugan gobolka Hiiraan, gaar ahaan aagga jiinka webiga Shabeelle, ayaa wada howlgallo culus oo looga soo horjeedo Al-Shabaab. Howlgalkan oo ah mid ballaaran ayaa lagu beegsanayaa deegaannada ku dhow wabiga, iyadoo la doonayo in guud ahaan kooxdaasi looga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi.
Ciidamo deegaanka ah oo si gaar ah u tababaran ayaa ku biiraya dadaallada lagu xoreynayo deegaannada jiinka webiga, waxaana la soo bandhigay tirada iyo diyaar-garowga ciidankan, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadanaya howlgallada socda. Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay in howlgalladu si rasmi ah uga bilowdeen dhowr deegaan oo muhiim ah, kuwaas oo ku teedsan wabiga, iyaga oo ku adkeystay in ay sii wadi doonaan dagaalka illaa inta laga ciribtirayo kooxda Khawaarijta.
Howlgalladan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la hubiyo amniga deegaannada webiga agagaarkiisa, iyadoo la rajeynayo in tallaabooyinkan ay horseedi doonaan nabad waarta oo ka dhalata gobolka Hiiraan, kaasi oo muddo dheer la ildarnaa weerarada Al-Shabaab.