Iyada oo weli xaalad amnidaro ay ka taagan tahay Wadada isku-xirta Magalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa haatan waxaa socda qorsho ku aadan in wadadaas la egeyo Ciidamo ka qeyb qaata sugida Amniga,maadama Mas’uuliyiin ay isticmaalaan Wadadaas.
Weeraro dhowr ah oo sababay dhimashada mas’uuliyiin ayaa wadadaas ka dhacay taas oo ka dhigtay halis aysan dadka ku dhiiragelin Karin gaar ahaan mas’uuliyiinta in ay ku socdaalaan,sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Ciidamada la qorsheeyay in la dejiyo halkaas ayaa iskugu jira Milatari iyo ciidamo kale oo ka socda AMISOM sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weeraro gaadma ah oo lagu dilay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle,iyada oo wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay noqotay meel qatarteedu ay sarayso.
Dadka weeraradaas lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah laba ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hir-shabeelle oo kala ah Ismaaciil Muumin, Macalin Daahir Muqtaar iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga-Ceelle Muuse Afweyne.