Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ururka 47-aad Guutada-8aad qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ku toogtay Nin ay sheegeen inuu halkaas miino nooca dhulka la geliyo ku aasayey.
Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka ay toogasho ku dileen Nin miino ku aasayey meel aan sidaas uga fogeyn Saldhig Ciidanka ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay.
Wuxuu intaas kusii Taliye Daahir Macalin Cali in Ciidanka oo howlgal ku jiray ay arkeen Ninka miinada qaraxa aasayey, isla markaana dilay, kadibna la kala fur furay miinada oo la fashiliyey qaraxaas oo uu sheegay in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka.
Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad qeybta 60-aad ee Xoogga ee dalka ayaa tilmaamay in howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ay Ciidanka dowladda ka wadaan Gobolka Baay uu sii socon doono, isla markaana Shabaab ay ka saarayaan Gobolka.
Si kastaba deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaaday Al-shabaab oo deegaankaas kala wareegay Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, iyadoona ay xusid mudan tahay in dagaalo halkaas ka dhacay ay markii dambe ku qabsadeen Ciidanka dowladda.