Ciidamo farabadan oo ka tirsnaa kuwa Daraawiishta Puntland ayaa Maanta ku biiray Maamulka Somaliland, kuwaasi oo ku sugnaa qeyb kamid ah Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.
Ciidamadaan ka goostay Puntland ayaa ka howlgal geli jiray degmada Boocame ee gobolka Sool, isla markaana waxaa ay Maanta ku biireen Somaliland, kuwaasi oo dhaweyn loo sameeyay.
Sidoo kale saraakiisha Somaliland ee la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankan ay Puntland uga howlgalayeen Boocame oo ka tirsan isla Sool, balse haatan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin ciidanka Somaliland.
Sarkaal horkacayay ciidamada ka soo goostay maamulka Puntland ayaa ka mahaceliyay soo dhoweynta loo sameeyey, waxaana uu sheegay inay shaqeyn doonaan nabada, sidoo kalena ay xoojin doonaan howlaha lagu sugayo amniga.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiihsa ciidanka Puntland ee ka howlgala Gobolka Sool oo ay uga hadlayaan Ciidankii Maanta ka goostay, waxaana xusid midan in Somaliland iyo Puntland oo isku hayaan Sool iyo Sanaag.