Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo aan qeyb ka aheyn howlgalka ATIMIS, kuna sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xilliga habeenkii ah bandow kusoo rogay magaalada, kaasi oo dhaqan galay.
Dad ku sugan gudaha Doolow ayaa waxaa ay kusoo warrameen in bandowga ay ciidamada Itoobiyaan ah ka dhaqan geliyeen degmada, isla markaana dadka deegaanka ay habeenkii guryahooda ku xaroodan waqti hore.
Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa howlgal ka sameeya xaafadaha kala duwan ee degmada Doolow, iyagoo dadka ay ku arkaan waddooyinka ku amra inay ku xaroodan guriga, ayna joojiyaan dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan bannaanka.
Ciidamada ayaa waxa oo kaloo ay howlgal culus ka sameeyeen waddada xiriirisa Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaasoo dhawaan lagu dilay 6 qof oo Oromo, Ujeedka howlgalada ayaa lagu sheegay mid ay ciidanka uga hortagayaan in falal kale lagu beegsado dadka Itoobiyaanka ah.
Weerarka todobaadkan ka dhacay magaalada Beledxaawo ayaa lagu beegsaday maqaaxi ay fadhiyaan dad Oromo ah waxaana lagu dilay Lix ruux halka tiro intaasi kabadanna lagu dhaawacay, waxaana mas’uuliyada weerarkaasi dusha looga tuuray Al-Shabaab.