Shir Jaraa’id uu Maanta Magalada Adis Ababa  ku qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu ka hadlay xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya,kuwaas oo wada dagaalamay.
Waxa uu sheegay Ra’iiusl Wasaare Abiy Axmed in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen deegaanadii lagu dagaalmay,isla markaana xaalada deegaanadaas ay yihiin kuwa aad u wanaagsan.
Odayaasha labada dhinac ayuu sheegay in lagala hadli doono islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keenayo labada dhinac ee ay colaadda u dhaxeyso.
Gaba gabada waxa uu ugu baaqay labada dhinac ee Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya in ay xaalada qaboojiyaan,isla markaana sinabad ah ay ugu wada noolaadaan.
Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku barakaceyn,iyada oo ay ku faaftay deegaano horleh oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.