Waxaa la xiray guriga rasmiga ah ee uu degan yahay madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum waxaana lagu soo waramayaa inay xireen ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha.
Ilaalada ayaa xiray wadooyinka soo gala guriga Bazoum iyo xafiisyada madaxtooyada ee magaalada Niamey labadaba.
Ma jiraan ciidamo aan caadi aheyn oo la geeyay madaxtooyada ama dhawaq rasaas ah oo goobta laga maqlay, isu socodkuna waa caadi, sida uu sheegay wariye ka tirsan AFP iyo weriyaha BBC-da qeybta Hausa.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynihii hore, Mohammed Issoufou iyo madax kale oo hore ay hadda la hadlayaan ilaalada madaxtooyada si looga hortago in xaaladdu ay sii xumaato.
Waddankan kuyaalla Galbeedka Afrika ee aan badda lahayn ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee afgambiyada ka dhacaan caalamka, iyadoo ay ka kadhaceen ilaa afar afgambi tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Faransiiska sannadkii 1960-kii iyo isku dayo badan oo afgambi.
Inqilaabkii ugu dambeeyay ee dalkaasi waxa uu dhacay bishii February 2010-kii, kaas oo xukunka looga tuuray madaxweynihii xilligaas Mamadou Tandja.