Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyska Dabka ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka haatan u diiday inay ka gudban Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada ee ku yaalla Isgoyskaas.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo la socda ay Ciidanka Booliska dowladda u diideen inay u gudbaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo kamid ah 15 Xildhibaan oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ka joojiyay kulamada Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in wixii Mas’uuliyad darro ah ee ka dhashay goobta uu qaadayo Maxamed Mursal.
“Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya†ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ku sugan Isgoyska Dabka.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska iyo NISA ayaa saakay la dhigay waddooyinka laga soo galo iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada, waxaana la siiyay Ciidamada Sawiradda iyo Magacyada Xildhibaanada laga joojiyay kulamada.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa, waxaana laga Xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in laga cabsi qabo in Golaha Shacabka oo muddo kororsi sameeyo.