Wararka ka imaanaya Magaalada Graaoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa ku warramaya in Ciidamno aad u hubeysan ay Xalay la wareegeen qaar ka mid ah  Sanaadiiqdii Codbixinta doorashada Puntland.
Ciidamada taabacsan mucaaridka diiddan doorashada qof iyo cod oo waayadanba ku sugnaa duleedka caasimadda ayaa weeraray qaar kamid ah gaadiid sidey sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka gobolka Nugaal.
Ciidanka ayaa soo bandhigay Sanaadiiqda ay la wareegeen,waxaaan xusid ,udan in shalay waxgaradka Nugaal ay go’aanno ka soo saareen khilaafla doorashada ee u dhexeeysa Mucaaradka maamulkaasi iyo madaxweyne Siciid Deni oo doonaya inuu doorasho qof iyo cod ah qabto.
Kadib qabsashada Sanaadiiqda codbixinta, Askarta ayaa warbaahinta la hadlay, waxaana faah faahin ay ka bixiyeen sababta keentay inay la wareegaan Sanaadiiqda loogu talagalay cod-bixinta doorashada.
Af-hayeen u hadlay ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka ee diiddan doorashada qof iyo cod ayaa xaqiijiyey in ay qabsadeen ‘qaar kamid’ ah sanaadiiqdii cod-bixinta degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
“Annaga oo ah ciidanka Kamaandowska Danab, waxa aan shacabka u sheegeynaa in aanay dhici karin doorasho aan heshiis lagu ahayn oo damaceedu yahay muddo kororsi, doorasho aan heshiis lagu ahayn waddan kama dhici karto.” -Ayuu yidhi Af-hayeenka ciidanka u hadlay.
Doorashada qof iyo codka ah ee maamaulka Puntland ayaa muran badan dhalisay, waxaana ilaa iyo haatan taagan xiisad Culus oo ku aaddan hannaanka waxloo wado, iyadoo Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Deni uu awooddiisa isugu geynayo sidii uu ku dhaqan galin lahaa doorasho qof iyo Cod ah oo ka dhacda degaanada maamulka Puntland,waxaana taas diidan mucaaradka.