Maamulka magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay kormeeray dadaalo Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ku xaqiijinayaan amniga magaaladaasi oo ay mararka qaarkood ka dhacaan falal amni darro.
Ciidamada Booliska ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Baladweyne ka sameeyay Wadooyinka muhiimka ee ku yaalla magaaladaasi, iyaga oo baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka xiligaas isticmaalayay.
Howlgalka  Ciidamada Booliska ayaa intii uu socday waxaa kormeeray Guddomiyaha Degmadda Baladweyne Cumar Calasow, Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Kor Muuse Cabdi Xayuuke iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Baladweyne X/Le Axmed Cali Aadan
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay in howlgalka u bilaaw u yahay howlgalo is daba joog ah oo lagu xaqijin doonno amniga guud ee degmadda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Calasow ayaa sheegay in ay doonayan in Beledweyne ay ahaato Magaalo hormarsan, isla markana ay noqoto mid amnigedda lesku haleen karo.
Baladweyne ayaa waxaa weli ka jira khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo dhawaan la sheegay in loo doortay Madaxweynaha KMG ah ee Hiiraan State.