GALGADUUD – Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu abaalmariyay lacago iyo xoolo, kadib markii ay si guul leh u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee bariga gobolkaasi.
Howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana saraakiisha hoggaaminaysay ciidamadaasi ay tilmaameen in khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxdii lala beegsaday.
Ciidamada ku guuleystay fulinta howlgalkaasi ayaa si gaar ah loo gudoonsiiyay abaalmarinta, waxaana munaasabadda gudoonsiinta ka qeybgalay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Xildhibaano iyo Odayaal dhaqameed.
Sidoo kale, waxaa howlgalka ka qeyb qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda, kuwaas oo door muuqda ku lahaa fashilinta qorshayaashii kooxda Al-Shabaab ee deegaankaas.
Abaalmarintan ayaa lagu dhiirrigelinayaa geesinimada iyo dadaalka ay ciidamadaasi muujiyeen, iyadoo la rajeynayo in ay sare u qaaddo niyadda iyo waxqabadka ciidamada difaaca dalka.