Ciidamadda Xoogga gaar ahaan guutada 9-aad ayaa howlgallo ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad ma tirsan kooxda Al-Shabaab.
Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa kamid ahaa degaannada Eedanow iyo Ceelahaley oo ku began galbeedka Xudur kuwaas oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen balse howlgalka lagula wareegay
Howlgalka Ciidamadda waxa hoggaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq iyo Taliyaha ururka 91-aad ee guutada 9-aad Maxamed Sankuusow, waxaaney sheegeen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay degaannadaas isaga baxeen.
Wuxuu taliyaha hadalkiisa ku daray in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada laga fulinayo degaannada hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen in degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ay qarka u saarnayd in ay Al-Shabaab la wareegaan