Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Sudan ay hakiyeen ka qeyb galka wadahadalada xabad joojinta ah ee ay la galayaan kooxaha ka soo horjeeda.
Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Arbacadii in ciidanku ay qaateen go’aanka “sababtoo ah fallaagada ayaan waligood fulin hal qodob oo ka mid ah qodobbada xabbad-joojinta muddada gaaban ee u baahan in ay ka baxaan isbitaallada iyo dhismayaasha la dego, waxayna marar badan ku xad-gudbeen. xabbad joojin”.
Ilo dublamaasiyadeed oo Suudaaniyiin ah ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters kusoo war geliyay ka bixitaanka ciidanka ee wada-hadallada xabad-joojinta jilicdasan kaas oo looga gol lahaa in lagu fududeeyo gaarsiinta gargaar bani’aadanimo ee dadka rayidka ah.
Ciidamad Suudaan iyo kuwa kasoo hor jeeda Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaan midkoodna ka hadlin ka bixitaanka heshiiska ee la sheegay. Wadahadallada ayaa billowday horraantii bishii Maajo waxaana laga soo saaray baaqyo ku aaddan ilaalinta rayidka iyo laba heshiis xabbad-joojin oo muddo gaaban ah oo si isdaba joog ah loo jebiyey.