Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada iskuhor-fadhiya deegaankaas ee Soomaaliland iyo Puntland uu soo ritay xanuuno kala duwan.
Ciidamadaas oo laga kala keenay deegaanada kala duwan ee labada maamul ayaa qeyb ka ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay dagaalka tukaraq,isla markaana haatan ay soo wajaheen xanuunadaas.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland oo la hadlay Warbaahinada ka howlgalla deegaanada maamulkaas ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada ay soo wajaheen xanuuno ay kamidyihiin Malaariyo,Tiifow,Jadeeco iyo cuduro kale.
Hayeeshee waxaa jira saraakiil caafimaad oo ka socda dhanka puntland,isla markaana la geeyey deegaanka tukaraq oo u badan dhul banaan oo uu ka jiro qaboow farabadan.
Deegaanka tukaraq ayaa waxaa weli iskuhor-fadhiya ciidamada labada maamul ,waxaana weli jirin cid kaladhexgashay,iyada oo dadka deegaanka ay sheegayaan in marwalba ay filan karaan dagaal cabsi farabadana ay heyso.