Ciidamada Difaaca Puntland ayaa weli sii wada howlgallo ballaaran oo ay ka fulinayaan Buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha argagixisada ah ee Daacish.
Howlgalkan oo socday saacadihii lasoo dhaafay ayaa gaaray deegaannada Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor Yare, Moqor Weyn iyo Dharinta Barile, halkaas oo ciidanku burburiyeen talisyo cusub oo ay Daacish ka dhisteen goobahaas.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanno ka tirsan Daacish lagu dilay weerarradii qorsheysnaa, halka qaar kalena ay baxsadeen.
Intii uu socday howlgalku, ciidanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen qalab casri ah oo ay Daacish u adeegsan jirtay dhismaha miinooyinka, rasaas iyo agab kale oo loogu talagalay weerarrada dhabbagalka ah.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu ay deegaanno hor leh la wareegayaan maalmaha soo socda, iyagoo sii xoojinaya gulufka ka dhanka ah Daacish.
“Ciidanku waxay si xeel dheer u wadaan weerarro lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Daacish, waxaana hadafkeenu yahay in si buuxda loo suuliyo kooxahan nabad-diidka ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland.