Ciidamada difaaca Puntland ayaa guul weyn ka gaaray dagaalkii ay la galeen kooxda Daacish, iyagoo si buuxda u qabsaday ilaa 8 talis iyo saldhigyo muhiim ah oo horey ay u maamulayeen ururka Daacish ee ka howlgala buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Warbixin kooban oo maanta soo saaray ciidanka Puntland ayaa lagu sheegay in ay si xooggan ugu guuleysteen in ay Daacish ka qabsadaan talisyada iyo saldhigyada ku yaal deegaanka Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal Lo’aad iyo Isha Siido. Goobahani waxay ahaayeen meelaha ugu muhiimsan ee kooxda Daacish ka talin jirtay, waxaana dagaalka lagu sheegay inuu socday muddo afartii cisho ee la soo dhaafay.
Cutubyada gaarka ah ee ciidamada Puntland, gaar ahaan kuwa PMPF (Puntland Maritime Police Force), ayaa si toos ah ugu lug lahaa dagaalka, waxaana la xaqiijiyay in markii dambe ay Daacish laga saaray goobahaas muhiimka ah ee buuraleyda Calmiskaad. Warbixinta PMPF ayaa sidoo kale muujinaysa in dagaalka uu ahaa mid aad u xooggan, iyadoo ciidamada Puntland ay ka hortageen weeraradii Daacish ku doonayeen inay ku soo laabtaan saldhigyada ay ka qabsadeen.
“Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo afar cisho ah dagaallo xooggan ku qaaday Daacish ayaa ka saaray Talisyo iyo Saldhigyo muhiimad sare u lahaa joogitaanka kooxdaasi ee buuraleyda Calmiskaad. Goobaha ay ciidamaddu kala wareegeen Daacish waxaa ka mid ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal Lo’aad iyo Isha Siido,” ayaa lagu yiri warbixinta PMPF.
Tallaabadan ayaa muujinaysa awoodda iyo diyaar garowga ciidanka Puntland ee difaaca gobolka, iyadoo sidoo kale lagu sheegay in maamulka Puntland uu si dhow ula socdo xaaladda amni ee gobolka Bari, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxaha Daacish ee ka howlgala deegaannadaasi.