Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay ku guulaysteen inay dileen koox miinaystayaal ah oo ka tirsan maleeshiyada Daacish, kuwaas oo ku howlanaa in ay aasaan miinooyin ku yaalla jidadka muhiimka ah ee gobolka. Ciidamada Puntland, oo fuliyay hawlgal qorshaysan saaka, ayaa si guul leh u burburiyay kooxdaasi, iyaga oo ka hortagay khatar weyn oo ka dhalan lahayd miinooyinka ay dhigayeen.
Dagaalyahanada la dilay ayaa ahaa afar xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo miinooyin ku aasayay waddooyinka ay ciidamada dowladda ku dhaqaaqaan.
Hawlgalka ayaa ka dhacay degaanka Guryo-samo, oo ku yaal nawaaxiga Buqo (Calmiskaad), halkaas oo kooxda miinaystayaasha ay ka shaqeynayeen. Ciidamadu waxay bilaabeen hawlgalkooda subaxnimadii maanta, gaar ahaan aagga Buqo-Caleed, waxaana ay si xeel dheer u baareen dhulka, iyaga oo burburiyay qorshayaasha kooxda miinaystayaasha.
Wararka ayaa sheegaya in kooxdan miinaystayaashu ay ku howlgali jireen miinooyinka rimoodka laga hago, kuwaas oo ay dhigeyn meelaha jidadka ku yaal si ay u weeraraan ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka.
Warbixin laga soo xigtay Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay, “4-ka kamid ah kooxaha khawaarijta argagixisada Daacish gaar ahaan kuwa miinooyinka dhiga waddooyinka ayaa lagu guulaystay in la dilo hawlgal ay sameeyeen ciidamada geesiyaasha difaaca Puntland.”
Ciidamada Puntland ayaa markale muujiyay geesinimo iyo xirfad ay ku ilaalinayaan amniga iyo nabadgelyada gobolka, iyaga oo ka hortagaya khataro ka imaanaya argagixisada iyo kooxaha khawaariijta ah ee ku hawlan dilalka iyo burburinta.