Ciidamada PMPF ee Puntiland ayaa gacanta ku dhigay dagaalame ka tirsan ALshabaab, kadib howgal ay si gaar ah kaga fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad Goboleedka Puntland.
Cutubyada sida gaar ka ah u Tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland oo hawlgallo ka sameeyey magaalada ayaa gacanta ku dhigay, xubintaasi ka tirsan AlShabaab, kaasi oo ku hubaysanaa walxaha qarxa.
Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka PMPF ayaa qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxyada waa waaweyn , gaadiidkii lagu waday iyo dagaalamihii doonayay inuu falal amni darro kaga fuliyo magaalada Boosaaso.