Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee ku sugan Magalada Baladweyne ayaa Maanta waxa ay Xabsiga dhigeyn Wariye Cabdi Shakuur Maxamed Xasan(Shaashaa) oo ka mid ah Wariyeyaasha ka holwgalla Magaladaas,wallow markii dambe lasiidaayey.
Wariyaha ayaa waxa uu ka tirsan yahay Idaacadda Codka Hiiraan,sidoo kale waxa uu Baladweyne uga soo hadlaa mid ka mid ah Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga gaar ahaan Tv-ga Zaab.
Wariyaaasha ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in Wariyaha loo heysay Warar uu baahiyeybalse dadaal farabadan oo ay sameeyeen markii dambe dib uu xirriyadiisa u helay.
Wariye Cabdi Shakuur Maxamed Xasan oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in uu ad ugu faraxsan yahay siideyntiisa,isla markaana ay ka qeyb qaateen qeybta Warfaafinta ee Maamulka gobolka Hiiraan haatan howshiisa si caadi ah us ii wadan doono.