Ciidamada Hey’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Ee NISA ayaa xalay ka hortagay qaraxyo la doonayay in loo adeegsado mooto nooca dadka ay Muqdisho aadka u adeegsadan (Bajaaj).
Qaraxyada ayaa lagu qabtay xarun ay ciidamada nabad sugida ku leeyihiin wadada warshadaha sida ay baahisay wakaalada wararka Ee SONNA.
Wasaarada amniga waxa ay sheegtay in mootada ay isku dayen raggii waday iney awood kaga gudban kontaroolkii ciidanka balse ay ka daba tagen kadibna ay qaraxday.
Afhayeenka wasaarada amniga Cabdi Kaamil Macalin Shukri ayaa saxaafada u sharaxay sida NISA ay uga hortagtay qaraxyadasi,isaga oo sheegay in howlgalo fara badan la sameyn doono inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.