Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay deegaankaasi ay isaga baxeen ciidamadii Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa Milateriga ee ku sugnaa.
Dadka deegaanka Yubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ciidamadii Milateriga Somaliland ay isaga tageen degaanka, isla markaana ay faarujiyeen Saldhigyada iyo fariisimihii ay ku lahaayeen.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ay ku wajahan yihiin magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana la sheegay in Ciidamadan ay ku biirayaan kuwa fadhiya nawaaxiga Laascaanood oo lagu xoojinayo.
Dhaq dhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda magaalada Laascaanood ka furmo Shirka wadatashi ah oo ay yeelan doonaan Waxgaradka iyo dadka deegaanka Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Laascaanood ayaa waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacaayay banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka deegaanka magaaladaas oo kasoo horjeeday Somaliland, waxaana banaanbaxyada oo xoogeystay sababeen in dagaal uu ka dhaco magaalada, isla markaana halkaas ay isaga baxaan ciidamadii Somaliland ee joogay.