Ciidamada Booliska Kenya ayaa Ee Gobolka Waqooy-Bari ayaa hub ka soo saaray kana soo xiray afar qof Xerada Ifo Kadib howlgal ay Ciidanku ay ka sameeyen Gaarisa.
Maxamuud Saalax oo ah Madaxa Booliska Ee Gobolka Waqooy-Bari ayaa Saxafiyiinta u sheegay in gacan ku soo dhigen seddex qori oo ah AK47,92 Rasaas,Lix Mobile iyo agabyo kale oo badan oo loo adeegsan jiray Waxyaabaha Qarxa.
Maxamuud Saalax waxa uu sheegay in Boolisku ay su’aalo weydiinayan Dadka la soo qab qabtay ee laga shakisan yahay oo ay da’doodu u dhaxeyso 19 ilaa iyo 24 sanno.
Dadka deegaanka ayuu u mahadceliyay isaga oo sido kalena ka codsaday iney si dhaw ula sii shaqeeyan Ciidamada Amniga islamarkaana ay soo sheegan Al Shabab halkii ay ku arkan.