Ciidamada Jabhadda Amxaarada ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93-KM u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda.
Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara ayaa hadda Kaabiga ku haysa magaalada Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo RaΓ’β¬β’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Gobalka Maamulka Axmaarada ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xooganaa, waxaana maanta laga maqlay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii Arrimaha Dibadda.
Demeke Mekonnen oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020-kii ayaa shalay xilkii iska casilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Abiy.
Waxaa la arkayay muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke, kuwaas oo raasaas ridaya.
Dalka Itoobiya ayaa waxaa xilligaan ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasi oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.