Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa VOA u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.
Illaa haatan ma jiraan ilo madaxbanaan oo caddaynaya jiritaanka weerarkaas iyo sida uu u dhacay, waxaana adag in dadka deegaanka khadka telefoonka lagu helo.
Dhinacakale masuuliyiin katirsan Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in hawlgallo ka dhan ah maleeshiyada al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galgaduud balse faahfaahin kamay bixinin weerarkaas.