Weerar Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa lagu beegsaday hoggaamiyaha kooxda jihaad doonka ah ee IS, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Joe Biden.
“Waxaa mahad leh ciidamadeena qalabka sida ee xirfadda iyo geesinimada leh, waxaan dilnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi†ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.
“Dhammaan Ciidammadii ku lugta lahaa howlgalka ayaa si nabad ah ku soo laabtay”, ayuu raaciyay Mr Biden.