Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waxa ay howlgallo ka wadeen Wadada xiriira degmada Balcad iyo Caasimadda Hir-Shabeelle ee Jowhar.
Howlgalka ayaa ka dambeysay kadib markii ammaanka Wadadaasi uu aad u xumaaday,waxaan howlgalka qeyb ka ahaa Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa shegay in howlgalkas lagu qabtay rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana u soo gudbiyeen dhinaca Magalada Muqdisho.
Saraakiishi masheegin tirade raga hubeysan ay qabteen iyo hubkooda,waxaana sidoo kale ay sheegeen in howlgalku uu weli yahay mid ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay mid ammaankeeda aan la isku haleyn Karin,waxana dhowr mar ka dhacay weeraro lagu dilay Askar iyo Xildhibaano ka tirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle.