Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ay ka sameeyen degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan waxa ay ku soo qab qabten dhalinyaro badan oo ay la xiriiriyen Al Shabab.
Cabdicasiis Duuroow oo ah gudoomiyaha degmada Buula Burde ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedada howlgalka uu ahaa mid amniga lagu sugayay,rag ay uga shakisan yahay Al Shabab ayuuna sheegay iney soo qab qabten.
Ciidamada dowlada oo garab ka helaya AMISOM iyo diyaaradaha Mareykanka ayaa dhawaan waxa ay bilaaben howlgalo culus oo ka dhan Al Shabab.