Ciidamada Booliska dowladda Kenya ee ku sugan Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxa ay toogasho ku dileyn Nin looga shakiyey in uu ahaa Burcad,kaas oo ku sugnaa Xaafada Buruburu ee magaaladatan Nairobi.
Ninkan la toogtay iyo seddex nin oo ay xulufo ahaayeen ayaa la sheegayaa in ay dhibaateyn kula kacayeen dad shacab ah iyo mootoley ka hor inta aysan booliska soo weerarin,isla markaana aysan toogan mid ka mid ah raggaas.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay gacanta ku dhigeyn Bustoolad loo maleynayo in ay adeegsanayeen Ragga Saddexda ahaa ee mid ka mid ah la toogtay,kuwaas oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen burcad.
Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Xaafada Buruburu ee magaaladatan Nairobi ayaa waxa ay sheeegen in ay ragaasi qaati ka taagnaayeen,isla markaana maalmihii la soo dhaafay ay dhac u geysanayeen.
Waa markii labaad oo bil gudahood oo Xaafada Buruburu ee magaaladatan Nairobi lagu toogto rag burcad,iyada oo Ninka Maanta la toogtay ay baxsadeen laba kale oo burcada ka mid ahaa,isla markaana la socday.