Ciidanka Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Haramcad ee ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Magaaladaas waxaa ay ka sameeyeen howlgalo saacado socday.
Ciidamada Booliska ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay afarta xaafad ee ka kooban tahay Magaalada Jowhar, waxaana Ciidamada Haramcad inta uu socday howlgalka ay baaritaano ku sameeynayeen gaadiidka noocyadiisa ee wadada isticmaalayay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Haramcad ee Jowhar Nuur Ibraahim Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka Ciidamada amniga ka sameeyeen Caasimadda Hirshabeelle uu yahay mid lagu doonayo xaqiijinta amniga Magaalada.
Taliye Nuur Ibraahim ayaa tilmaamay in amniga Jowhar uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleeyn karo, isla markaana uu ku sugan yahay, ayna sii wadani doonaan howlgalada, wuuxuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacday doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana la filayaa in Magaaladaas ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle.