Ciidamada amniga ee Puntland ayaa ka hor yimid go’aan madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ugu magacaabay agaasime cusub kaas oo hoggaamin doono ciidamada.
Ciidanka amniga wuxuu sheegay in go’aanka uu “baalmarsanyahay sharciyada, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suubanâ€
“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya†ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada PSF ee Puntland.
Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland, sida laga soo xigtay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.