Ciidamada ammaanka ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku qabtay qaar kamid ah raggii ka dambeeyay dilka allaha u naxariistee C/kaafi Yusuuf oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee magaalada Gaalkacyo.
Qaar kamid ah saraakiisha saldhigga dhex ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen raggii falkaas dilka ah isla markaana mid kamid ah raggii lasoo qabtay uu qirtay inuu isaga ka dambeeyay dilka Ganacsade C/kaafi Yusuuf.
Ninka qirtay inuu siaga ka dambeeyay dilka marxuumka ayaa sheegay in isaga uu dilay gansadaha balse dilka uu ahaa kam maadaama uu sheegay inuusan ogeyn xilliga ay marxuumka xabadda ku dhacday.
Allaha u naxariistee ganacsade Cabdi Shakuur ayaa xalay fiidkii ku dhintay rasaas lagu ridayay laba mooto Bajaaj waxana xilligii ganacsadaha la dilayay gaariga la saarnaa aabihiis.
Dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn uga argagaxay dilka ganacsade C/kaafi Yusuuf oo ahaa nin dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada Gaalkacyo ee caasimadda gobolka Mudug.