Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa  ka amba baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay la wareegaan deegaannada ay heystaan dagaalamayaasha AL-Shabaab.
Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada u horreeya ka billaabi doonaan Gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasi od agaalamayaasha AL-Shabaab ay ka haystaan degaanno badan oo ka tirsan Gobolkaasi.
Mas’uuliyiin kala duwan oo iyaguna ka hadlay goobta ay ka ambabaxeen Ciidamada ayaa sheegay in kaliya aysan ku hakan doonin gobolada Shabeellada Dhexe, balse sii wadi doonaan howlgalka ilaa Galgaduud iyo Mudug.
Goobta ay ka amba-abaxayeen Ciidanku ayaa waxaa lagu soo bandhigay Hub iyo gaadiid dagaal oo loogu tala-galay Ciidamada la diyaariyay eek u wajahaan degaanadada AL-Shabaab ay ka haystaan Gobolka SHabeellaha dhexe.
Ciidankan iyo gadiidkan ayaa waxay qayb ka yihiin abaabul dagaal xoogan oo maalmahan si weyn uga socday Magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe.
Maalmihi ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayay Abaabul xooggan oo Ciidamo loogu diyaarinayo Gobolka Shabellaha dhexe,kuwaasi oo u jeedkoodu yahay in dagaalamaayasha AL-Shabaab ay ka saaraan degaanada ay ka haystaan Gobolkaaasi.